Somalia: Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Saakow

Qoraal kasoo baxay waaxda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeyn ka geysteen duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah uga hadlay duqeyn ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacday gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay labada dowladood.

“Mareykanka wuxuu howlgalkaasi fuliyay kadib wadashaqeyn uu ka helay saaxiibadiisa gobolka, waxaana ay jawaab u aheyd ficilada al-shabaab, oo ay kamid yihiin weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Soomaalida” sidaasi waxaa saxaafada u sheegtay Dana White oo ah afhayeenka waaxda difaaca ee Mareykanka.

“Duqeyntaan waxaa  lagu fuliyay awooda uu sharciyeeyay madaxweyne Donald Trump bishii March ee sanadkaan, taasi oo u ogolaaneyso waaxda difaaca Mareykanka inay qaadaan weeraro sharci ah oo ka dhan ah Alshabaab”sidaasi ayay kusii dartay hadalkeeda afhayeenka u hadlay Pentagon-ka.

Bishii April ee sanadkaan dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay 40 askari oo dheeraad ah u direyso Soomaaliya, si ay u caawiyaan dhanka tababarka iyo qalabeynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarkii Shalay ay fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa la sheegay in lagu dilay sideed kamid ah Al-shabaab sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka iyo Soomaaliya.

Duqeynta ayaa waxay ka dhacday meel ku dhow degmada Saakow ee koofurta Soomaaliya, waxaana 185 Mile u jirtaa caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid guuleystay isagana uu bixiyay amarka duqeynta looga geystay Jubbada Hoose.

Duqeyn diyaaradeed

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.