Puntland: Wasiiro tagaya Deegaanka Af Urur

Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan deegaanka Af Urur oo dhawaan Al-shabaab iyo ciidamada Puntland ku dagaalameen.

Wasiirka Amniga, Gaadiidka iyo Beeraha ee Puntland ayaa maanta la filayaa inay gaaraan deegaanka Af urur oo dhawaan dagaal xoogan uu ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Puntland.

Wasiiradan waxay tahay ujeedadooda inay baaraan dhibaatadii Al-shabaab ka geysteen deegaanka, waxayna kamid yihiin guddi gaar ah loo dhacdadaasi loo xil saaray.

Wafdiga waxay ugu horeyn tagi doonaan deegaano ay yaalaan dadkii ku dhaawacmay weerarkii Af-urur, waxaana kadib ay u gudbi doonaan deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan ku qaaday Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-Urur , waxaana ay dileen ciidamadii halkaasi joogay.

Wasiirka amniga Puntland

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.