Somalia: Diyaarado dagaal oo duqeeyay gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa deqeyn ka geystay deegaan hoos taga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Duqeyntaasi ayaa sababtay dhaawaca seddex ruux oo la sheegay inay rayid ahaayeen, kuwaasi oo ku waxyeeloobay duqeynta.

Saldhig Al-shabaab lahaayeen oo ku yaala deegaan 55 km u jira degmada Baardheere ayaa lala eegtay duqeynta, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in duqeynta ay khasaaro u geysatay dad shacab ahaa.

Deegaanka Garas Dulan waxaa fariisin ku leh dagaalyahannada Al-shabaab, iyadoo weli dhankooda aanay wax war ah ka soo saarin duqeyntan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaaray.

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa marar badan waxay sidan oo kale u duqeeyeen deegaanno ay ku sugan yihiin Al-shabaab oo Gedo iyo Jubbooyinka ah, waxaana khasaare uu soo gaaraa inta badan dadka shacabka ah.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa shalay shaacisay in weerar ay ku qaadday degmada Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe ku burburiyeen saldhig weyn oo Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Diyaaradaha dagaalka

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.