Puntland: Midowga Africa oo ka hadlay dagaalkii Af-urur

Ururka Midowga Africa ayaa war kasoo saaray weerarkii ciidamo taabacsan Al-shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ee deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Musa Faki, guddoomiyaha ururka Midowga Africa ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkii askarta badan ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Af Urur, wuxuuna sheegay inay labo jibaari doonaan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidan ee ku yaal Af-urur, Puntland, waxaana u sheegaynaa Umadda Soomaaliyeed in Midowga Afrika ay garab taagan yihiin”ayuu yiri Musa Faki, gudoomiyaha midowga Africa.

Ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya ayuu sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhan ah Alshabaab ilaa laga ciribtirayo haraadiga Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan ku qaaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-Urur.

Musa Faki AU Chairman

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.