Mogadishu: “Hargeysa & Garowe hub laguma wato waana lagu noolyahay”

Wasaarada amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in seddex bilood ka dib ay doonayaan inay wax ka badalaan xaaladaha dhanka amaanka ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  oo ka qeyb galayay kulan xalay xili dambe saraakiisha amaanka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay adkeyn doonaan amaanka caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in magaalada ay doonayaan inaysan ku arkin askar hub ku dhex wadata magaalada dhexdeeda bilooyin kadib, marka uu dhaqan galo awaamiirta ay soo saareen.

Wuxuu sheegay in magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe dad badan ay ku nool yihiin ayna yar tahay askar shaqeyneysa mooyee askar kale oo hub ku dhex wadata.

“Qori iyo hub waxba ma soo kordhinayo, magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe waa lagu nool yahay hubna laguma wato, anaga waxaa rabaa in saddexda bil ee socota inaan magaalada Muqdisho ka dhigno hub la’aan”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.