Somalia: Galmudug & Puntland oo kulamo ku yeelanaya Gaalkacyo

Waxaa lagu waddaa in Magaalada Gaalkacyo ay kulan ku yeeshaan Wasiiro ka socda maamulada Galmudug iyo Puntland , kuwaasi oo ka wada hadli doona Xaaladda Ammaanka ee gobolka Mudug.

Wasiirada Puntland ee ka geyb galaya kulankaasi ayaa Saaka kasoo ambabaxay Magaalada Garowe , waxaana ay kusoo jeedaan Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka baaqday Safar uu ku imaan lahaa Gaalkacyo si uu wada hadalada uga qeyb galo sababo la xariira dagaalkii ka dhacay degaanka Af-Urur ee gobolka Bari.Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyay Xaqiijinta Ammaanka Gaalkacyo.

Magaalada gaalkacyo

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.