Mogadishu: Dagaal ka dhacay degmada Kaaraan

Wararka aan ka heleyno degmada kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dagaalameen degmadaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada xasilinta caasimada iyo ciidamo kale oo ku sugnaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Rasaas kala duwan ayaa laga maqlayay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay baqdin horleh ku abuurtay rasaasta culus ee mararka qaar la adeegsanayay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaaraan halkaasi oo ay ka socotay cuno qeybin, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay gudoomiye waaxeed magaciisa lagu sheegay Cabdi Jiis, waxaana la sheegayaa in ciidamada xasilinta dhankooda ay waxyeelo soo gaartay.

Ciidamada xasilinta ayaa mararka qaarkii la kulma iska hor imaad kaga yimaada dhinacyada ay doonayaan inay hubka ka dhigaan.

degmada Kaaraan

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.