Kismaayo: Farmaajo oo shacabka la qaxweeyay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magaalada Kismaayo xalay kula qaxweeyay dhalinyaro badan oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Dhalinyarada oo wajiyadooda laga dheehan karay farxadda ay dareemayaan ayaa waxaa madaxweynaha uu la qaatay muddo badan, isagoo ku dhageystay waxyaabaha ay doonayaan inay dalka kusoo kordhiyaan.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan madaxda maamulka Jubbaland ayaa dhalinyarada u sheegay in dalka iyaga ay leeyihiin.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay nabada ka jirta Kismaayo oo uu xusay in ay Tusaale u tahay Magaalooyinka kale ee dhibka nabad galyo la’aantu uu ka jiro.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.