Garowe: Xildhibaan baarlamaanka ka tirsan oo maxkamad looga yeeray

Maxkamad kutaala magaalada Garowe ayaa u yeertay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo muddo kooban loo qabtay.

Maxkamada Darajada koowaad ee magaalada Garowe ayaa u yeertay Faysal Cabdulaahi Guuleed, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee kasoo galay dhanka Puntland.

Cabdi Nuur Ow Jaamac, oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee magaalada Garowe ayaa soo saaray warqad uu ku saxiixnaa, oo lagu amrayay in xildhibaanka uu maxkamada hor yimaado.

Waxyaabaha loo heysto xildhibaanka ayaa ah guri uu kireystay oo uu kasoo tagay isaga oo aan bixin dhaqaalihii laga doonayay.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in dadka dacwada soo oogay ay u sheegeen in wali uusan ka guurin guriga lacagtana uusan bixin.

Xiriiro lala sameeyay xildhibaanka ayaanan suura gelin in wax laga weydiiyo arimahaan.

Maxkmad

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.