Mogadishu: W/Amniga oo amaro soo saartay (Dhageyso)

Wasaarada amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa digniino cusub kasoo saartay document-yada been abuurka ah ee lagu sameeyo magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga xukuumadda Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in Soomaalida ay been abuur ka sameeyaan dhinaca waxbarashada, Ganacsiga iyo arimo kale iyaga oo keesanaya Document been abuur ah.

Waxyaabaha ugu daran ayaa ah in dadka ay ka sameystaan magaalada Muqdisho cadeymaha dhulalka oo been abuur ah.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin inay sii jiraan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada document-yada been abuurka ah.

Taliska Ciidamada booliska ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo qabqaban lahaa dadka falkaasi sameeya.

Hoos ka dhageyso codka

Wasiir ku xigeenka amniga

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.