Mogadishu: Diyaaradda Qatar oo 15-jeer hawada Soomaaliya adeegsatay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaaradda Qatar Air shalay oo kaliya ay adeegsatay hawada Soomaaliya inka badan 15 jeer, kadib markii uu soo ifbaxay khilaafka Qatar iyo dalalka Khaliijka.

Sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo la hadlay wakaalada wararka ee AP, ayaa sheegay in hawada Soomaaliya shirkadaasi ay adeegsan jirtay maalintii labo ilaa seddex jeer.

Balse maalintii shalay maadaama laga mamnuucay hawada wadamo badan oo Carabta ah, ayaa waxay ku qasbanaatay inay adeegsato hawada Soomaaliya iyaga oo ka wareegeyso dalalka Sacuudiga iyo Yemen.

“Diyaaraddaha Qadar , ayaa hal ama laba duullimaad ku imaan jiray dalka Soomaaliya maalin kasta, ka hor inta aysan qarxin xiisada u dhexeysa Qadar iyo qaar kamid ah dowladda Carrabta”,

Sidaasi waxaa wakaalladda wararka ee AP u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya oo aan fasax u heysan in uu warbaahinta la hadlo.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay qaadato go’aan wanaagsan oo ku saleysan murunkaan diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka.

Diyaaradda Qatar

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.