Kismaayo: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray J.Hoose

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo u badan xildhibaano kasoo jeedo deegaanada Jubbaland.

Ujeedada madaxweynaha ayaa ah sidii uu u dhiiri gelin lahaan ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhawaan la qorsheeyay inay weeraro ku qaadaan xarumaha Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Sidoo kale wuxuu magaalada Kismaayo u tagay arimo la sheegay inay la xiriirto wareejinta dekada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Madaxweynaha Jubbaland ayuu kulamo kula qaadan doonaa magaalada Kismaayo inta uu ku sugan yahay madaxweynaha dalka.

Kismaayo oo Bandow lagu soo rogay
Kismaayo

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.