Qatar: Afar dal oo Xiriirka u jartay Dowladda Qatar

Afar dowladood oo dalalka carabta ka mid ah ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar oo xiriir dhow la sameysatay dowladda Soomaaliya.

Dalalkaasi ayaa sheegay in dowladda Qatar ay taageerto kooxaha argagixisada, sidaasi daraadeedna ay xiriirka u jareen dalkaasi.

Dalalkaasi ayaa kala ah Sacuudiga, Masar, Imaaraatka Carabta & Baxreyn, waxaana dhamaantood marka laga reebo Baxreyn ay saameyn weyn ku leeyihiin Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa waday qorshe ay ku dhexdhexaadineyso Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya, waxaana dhawaan la filayaa inay qorshahaasi bilowdo.

Sacuudiga ayaa sheegay in Qatar marar badan ay kaga digeen arimahaasi, balse iminka ay xiriirka u jareen islamarkaana ay xireen dhamaan xuduudaha ay la wadaagto dalkaasi.

Calanka Qatar

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.