Kismaayo: Qarax lagu weeraray saldhig boolis

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax qasaaro dhaliyay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray dhabarka dambe ee saldhiga booliska magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ila wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijiyay in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska uu ku dhintay qaraxa iyadoo 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro ila hada war ka soo baxay Laamaha amaanka magaalada Kismayo oo xaqiijinaya qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa kadib ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan halka qaraxa laga soo abaabulay.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah

Magaalada Kismaayo

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.