J.Hoose: Duqeyn diyaaradeed oo Sarkaal lagu dilay oo dhacay

Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn lagu dilay saraakiil sar sare oo Al-shabaab ah ka dhacday gobolkaasi.

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa lagu soo waramayaa in deegaanka Wadajir ee degmada Badhaadhe inay kubeegsatay madaxii wardoonka amniyaatka Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Abuu Xasaan.

Saraakiil sare ayaa sheegay in Abuu Xasaan xiligii duqeynta lala eeganayay inuu la socday gaari Land Cruiser ah oo marayay duleedka degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Abuu Xasaan ayaa waxaa lala dilay xubno ka tirsan ilaaladiisa, sida ilo wareed muhiim ah u xaqiijiyeen Midnimo Online.

Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa sanadkii hore Abuu Xasaan u magacaabay madaxa wardoonka amniyaatka, waxaana meydkiisa la wareegay saraakiisha Al-shabaab.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka dhanka cirka ee lagu qaarajiyay Abuu Xasaan, sidoo kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Shabaab.

Shabaabka ayaan inta badan looga baran in ay ka hadlaan weerarada lagu qaarajiyo Saraakiishooda.

Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ku haaya Gedo
Duqeyn Badhaadhe

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.