Ankara: Turkiga oo gargaar usoo diray Soomaaliya (Sawiro)

Dowladda Turkiga ayaa gargaar loogu talo galay dadka abaaraha ay saameeyeen usoo dirtay dalka Soomaaliya, kaasi oo dhawaan la filayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho,

Markabka oo kasoo tagay dalka Turkiga ayaa sida shixnad gargaar ah oo raashiin u badan, waxaana la filayaa in dhawaan Soomaaliya uusoo gaaro.

Dhawaan Shiinaha ayaa markab gargaar wada usoo dirtay dalka Soomaaliya, waxaana dowladaha Turkiga iyo Shiinaha  ay ka dalbadeen dalalka kale ee caalamka inay Soomaaliya gargaaraan.

Deeqdaan ayaa dhan13,000 tan , oo ka kooban nuucyada kala duwan ee cuntadda, waxaana ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak , uu sheegay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay in ay sii balaariso gargaarka ay siiso dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga
Markabka Gargaarka sida

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.