Mogadishu: Goorma ayay dowladda gudeysaa deymaha lagu leeyahay ?

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii dalka Soomaaliya looga gudi ama magi lahaa deymaha ay ku leeyihiin dalalka Caalamka.

Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaaminayo inay ka shaqeyn doonto sidii dalka Soomaaliya looga gudi lahaa deymaha dalalka kale ay ku leeyihiin.

Wuxuu sheegay in muddo sanad iyo bar gudahood inay ku dadaali doonaan sidii arintaasi u dhaqan geli laheyd.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka hortooda uu la imaan doono mar walbaa waxqabadka ay sameyso xukuumadiisa.

Arimaha bixinta mushaaraadka ayuu sheegay inay xooga saareen, ayna ku dadaali doonaan in qof walbaa oo dowladda u shaqeeyo uu heli waxyaabaha uu xaqa u leeyahay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.