Dhageyso: Milkiilaha Gaarigii Qaraxyada ee Boosaaso lagu qabtay

Ciidamada maamulka Puntland ayaa dhawaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku qabtay gaari siday khudaar oo sida la sheegay lagu dhex arkay hub, dhar ciidan, fooneeyayaasha gacanta iyo waxyaabaha qarxa.

Waxaa gaarigaasi la qabtay saarnaa labo ruux oo mid kamid ah uu ahaa wadaha gaarigaasi, waxayna gacanta ugu jiraan ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso.

Xaaji Cali Macow, waa milkiilaha gaariga waxyaabaha qarxa lagu qabtay, wuxuu sheegay inuusan aheyn dimbiile falkaasi wax ka ogaa, islamarkaana lagu qiyaanay qaraxyada la saaray gaariga.

Madaxda maamulka Puntland ayuu ka codsaday inay dib ugu soo celiyaan gaarigiisa, maadaama sida uu sheegay uusan waxba kala socon sida wax u dhaceen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kartoomada qaraxyada lagu qabtay in gaarigooda loo saaray inay ahaayeen Liin dhanaan la doonayay in loo iibgeeyo Boosaaso.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Milkiilaha Gaariga

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.