Mogadishu: Maxaa kusoo kordhay diyaaradii dhacday

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaaradii kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taasi oo sababtay in muddo saacado ah wax diyaarad ah aysan kasoo dagin magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa siday raashiin waxayna kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kampala ee dalka Uganda, sida uu sheegay maareeyaha hay’adda saadaasha hawada ee dowladda Soomaaliya.

Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha hay’adda saadaasha Hawada ayaa sheegay in diyaarada ay ka diiwaan gashaneyd dalka Mareykanka balse ay kusoo wajahneyd magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa waxay caawisaa ciidamada AMISOM, waxaana la sheegayaa in wadaha diyaaradda uu isku dayay in seddex jeer uu dajiyaa diyaaradda, balse ay cagaha ay buxi waayeen.

Shidaal la’aan soo wajahday diyaaradda ayaa sababtay in wadaha diyaarada uu go’aansadaa inuu dhulka ku dajiyaa diyaarada taasi oo shilka sababtay.

Muddo seddex saacadood ayuu maanta hakad ahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, balse haatan waxaa caadi kusoo laabtay dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shirkada Bancraft oo diyaaradaan ay u kireysneyd ayaa waxay tababar siisaa ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sida uu sheegay Axmed Macalin Xasan.

Diyaarado badan oo Caalami ahaa iyo kuwo ay lahaayeen Qaramada Midoobay oo kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu amray inay cago dhigtaan garoomada, Baydhabo, Hargeysa, Kismaayo, Boosaaso iyo Wajeer, waxaase hadda loo fasaxay inay kasoo degtaan magaalada Muqdisho.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.