Video- Al-shabaab oo baahisay Muuqaalka Askari Kenyan ah oo lagu qabtay Ceel-cadde

28
Alfred Danyi Kilasi
Alfred Danyi Kilasi

Mu’asasada Al-Kataa’ib, garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal video ah oo uu ka soo muuqanayo Maxbuus dagaal oo Kenyaati ah kaas oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii lagu xasuuqay ciidamada Kenya ee sanadkii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceel-cadde

Muuqaalkan oo la daawan karo muddo 4 daqiiqo ah waxaa ka soo muuqanaya Alfred Danyi Kilasi oo fariin qeylo-dhaan ah u diraya dowladiisa, Shacabkiisa iyo Ehelkiisa,

“Lagasoo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ahna kama helin dowladeena. Ma aanan heli wax caawin ah haba yaraatee sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo Mushkiladda na heysata” ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan ku leeyahay madaxda Kenya Halkee baad ka baxdee? Waad ogtihiin waxaan ku dhibaateysanahay halkan Soomaaliya ah, aad ayaana ugu baahanahay caawintiina. Sanadkan aan hadda ku jirno waa sanad doorasho sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa ka hor inta aadan u dhaqaaqin doorashooyinka, in aad raadisaan micna kasta ama qaab kasta oo aad nagu bad-baadin kartaan”.

Alfred ayaa ugu dambeyntii fariin u diraya madaxweynah dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaas oo uu ka dalbanayo in uu dadaal xoogan ku bixiyo sidii ay xuriyadooda ku heli lahaayeen, Wuxuuna tilmaamayaa in isaga uu ahaa ninka siiyey amarka ay ku soo aadeen Soomaaliya.

“Waxaad ahayd hogaamiyaha Kenya laga soo bilaabo markii nala keenay Soomaaliya ilaa hadda. Waxaan kaa codsaneynaa in aad na caawiso oo aad raadiso wadda aad nooga bixin karto xaaladda maxbuusnimo ee aan ku jirno. Qoysaskeena aad ayey nooga fog yihiin, mana ka warheyno” ayuu yiri.

Comments