Sanchez oo afka furtay kana hadlay sababa uu qandaraaska ugu kordhin la’yahay Arsenal

21

Xidiga reer Chile Alexis Sanchez ayaa markale afka furtay kana hadlay sababaha uu Arsenal qandaraaska ugu kordhin la’yahay.

Sanchez ayaa mudo Bilooyin ah ka meermeerayay inuu qandaraas cusub u saxiixdo kooxdiisa Gunners, waxaana soo baxayay inuu dalbanayo in la laba jibaaro mushaarka uu kooxda ka qaato.

Arsenal ayaa xidigaan mashiinka ah diyaar ula ah in isbuucii siiso aduun dhan £250,000, balse Sanchez ayaan wali intaas ku qancin wuxuuna dalbanaa in la gaarsiiyo ilaa £300,000.

Sanchez wuxuu si cad u sheegay in arrimaha mushaarka ay ugu weyntahay caqabadaha hortaagan inuu qandaraas cusub saxiixo.

“Sidaan horay u iri hadana aan dhahayo aniga iguma xirna arinta qandaraas kordhinta waxeey ku xirantahay madaxda naadiga”.

“Waan arki doonaa dhamaadka xili ciyaareedka hadeey ay iyaga go’aansadaan inaan sii joogo halkaan iyo hadii kale” ayuu yiri Sanchez.

Comments