Muqdisho: Maxkamada Ciidamada oo dil ku fulisay ninkii ka dambeeyay qaraxii Suuqa Beerta

28

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay ninkii waday Gaarigii 27-kii November 2016 ku qarxay Suuqa Beerta kaasoo ay ku dhinteen in kabadan 27 ruux.

Maxkamada Ciidamada ayaa ninkaan oo lagu magacaabo C/qaadir cabdi Xasan xukun dil ah kula fulisay Dugsiga tababarka Ciidamada Booliska ee Gen. Kaahiye.

C/qaadir Cabdi Xasan, ayay ciidamada amaanka gacanta ku dhigeen xili uu gaariga kusoo baakimay suuqa Beerta, waxaana Gaariga qarxiyay nin kale, kaasoo ka baxsaday goobta markii uu falka fuliyay.

 

Comments