Erdogan & Trump oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya

28

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa booqasho ku jooga dalka Mareykanka gaar ahaan Washington.

Tayyib Erdogan, ayaa kulan la qatay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, waxa ayna kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay Syria iyo Somalia.

Erdogan, ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka dalbaday in dowladiisa ay ka qeybqaadato nabadeynta Somalia, waxa uuna ugu baaqay in laga caawiyo dhinacyada Amaanka iyo Horumarka.

Erdogan, ayaa Trump u sheegay inay muhiim tahay in dowlada Mareykanka ay il gaara ku fiiriso arrimaha Somalia, waxa uuna u cadeeyay in dowladiisa Turkiga ay si joogta ah u garab taagan tahay Somalia.

Waxa uu Mr Erdogan dhigiisa u sheegay in Somalia ay kasii bogsaneyso colaada inkastoo ay wali jiraan caqabado dhanka amniga ah hadana loo baahan yahay in garab lasiiyo dowlada cudunka ah ee Somalia.

President Donald Trump XXXX Turkish President Recep Tayyip Erdogan xxxx at the White House, Tuesday, May 16, 2017, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

Donald Trump, ayaa dhankiisa kasoo dhaweeyay soo jeedinta Madaxweyne Erdogan waxa uuna u cadeeyay in Somalia ay garan kusiin doonaan dhanka amniga.

Donald Trump, waxa uu cadeeyay inay ka go’an tahay inay soo afjaraan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab si dowlada Somalia ay u hesho fursad ay ku qabsan karto deegaanada ku jira gacanta Al-shabaab.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa isla fahmay in wax laga qabto xaalada Syria, iyadoo laga wada shaqeynaayo xasiloonida dalka Syria.

Comments