Howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo la bilaawday Shabeelaha Dhexe-Sawiro

24

Howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo la bilaawday Shabeelaha Dhexe-SawiroHowlgal ka dhan ah Isbaarooyinka oo la bilaawday Shabeelaha Dhexe-SawiroMaanta oo ay taariikhdu tahay 16/5/2017 waxaa billawday howlgal gal ballaaran oo lagu baabi’inaayay isbaarooyinka yaala labada Degmo ee Warshiikh iyo Raage-ceele

Howlgalkaasi waxaa hogaaminaayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo kaashanaayo Gudoomiyaha Deg. Warshiikh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) iyo taliyaha ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka G.sare C/qaadir nuur (Qoondhe) iyo taliyaha ururka 12-aad ee ciidanka xoogga dalka

Howlgalka maanta waxaa lagu burburiyay in kabadan 8 isbaaro

Howlgalkaasi ayaa sii socondoono maalmaha soo socda iyadoo waalidiinta dhashay wiilasha dhigtay isbaarooyinka lagu wargaliyay in ay wiilashooda kawataan wadooyinka ay safarka ku dhibaateynayaan wiilkii ku dhintana aynan cidna u qabsankarin wiilkii raba shaqo ciidana loo baahanyahay lana sameyndoono goobo lagu xareeyo ciidamada cusub.

Comments