Feysal C. Waraabe: “Yurub Geenyo & Xamda Yar Facebooka ka caaya”-Video

36

Siyaasiga caanka ah ee Xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe oo had iyo jeer looga bartay ku hadaaqida hadalo aan xikmad ku dhisneen, ayaa shacabka ku nool Gobolada waqyooyi ee la baxay Somaliland, ugu baaqay ineey Baraha Bulshada gaar ahaan Facebooka ka caayaan labada Fanaan ee kala ah Xamda Yar iyo Yurub Geenyo.

Yurub Geenyo iyo Xamda Queen oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Labadaan Fanaan ayaa markii hore Muqdisho u yimid Show ay dhigayeen, balse markii dambe waxaa loogu hanjabay in la xiri doono hadii ay Hargeysa dib ugu laabtaan.

Maamulka Siilaanyo ayaa inta badan xarig la beegsada wariyaasha iyo Fanaaniinta tagga Muqdisho, halka aan la xirin siyaasiyiinta iyo ganacsatada magaca leh ee kasoo jeeda Waqooyi kuwaasoo Muqdisho taga dibna ugu laabta Hargeysa.

Halkan ka daawo M,uuqaalka

Comments