Caynte oo loo magacaabayo Danjiraha Soomaaliya ee UK

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Safiir u magacaabi doonto UK, waxaana lagu wadaa in loo magacaabay C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ahna xilligan madaxa qaban qaabada ee shirka London.

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweynaha ayaa horay lagu waday in loo magacaabo Safiirka Kenya, balse waxaa hada uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya oo saldhigiisu noqon doono magaalada London.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya Safiir u magacawday UK, muddo 20-sano kaddib, waxaana xilligaas loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo waraaqadaha aqoonsiga ka guddoontay Boqorada Ingiriiska, balse xilka safaarada kuma sii raagin.

Sidoo kale Safiirada lagu wado in la magacaabo waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo lagu wado in loo magacaabo nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Qaasim oo ka soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, horayna uga soo shaqeeyay.

Ninkan lagu wado in Safaaradda Kenya loo magacaabo Xuseen Qaasim ayaa la soo shaqeeyay Madaxa Kooxda UN Monitoring Group Matt Bryden.

Waxaa kaloo lagu wadaa in la magacaabo Safaaradda Soomaaliya Turkey ee Ankara oo loo magacaabi doono nin magaciisa lagu soo gaabiyay Jaamac Ceydiid.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaa ahaa mid banaan, tan iyo markii Safiirkii hore ee xilkaas hayay Sanbaloolshe sanadkii hore uu noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, balse markii dambe loo magacaabo xilka Taliyaha Nabadsugida.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale magacaabi doonta Safiirka u fadhin doonta Qaramada Midoobey, kaddib markii Safiirkii xilkaas hayay Yuusuf Garaad uu noqday wasiirka Arrimaha Dibadda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.