Maxkamadda ciidamada oo la wareegtay Kiiska dilka wasiirka

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay labo ka mid ah Ilaalada Hanti dhowrka Guud, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Labada askari ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen toogashada Wasiir Cabaas oo ka dhacday nawaaxiga Madaxtooyada, waxaana tan iyo xalay gacanta ku hayay ciidamada ammaanka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa deg deg u soo fara gelisay kiiska dilka Wasiirka, iyadoo lagu wado in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhacdo maxkamadeynta.

Guddi baaritaan ayaa la sheegay inay ku howlan yihiin dhacdadii xalay ee lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la soo bandhigo natiijada baaritaanada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.