UK oo sheegtay ineey Doowlada Soomaaliya ka taageereyso amaanka

Dowladda Britain oo kaalin ka ciyarayso Taagereradda Caalamiga ee lagu xoojinayo Ammaanka Somalia ayaa iminka lacago dheeraad oo dhan 21 million oo Pound (£21 million ) ku maalgelinaysa Tababarka iyo Hawlaha Ciiddanka DFS.

A British flag flies near the newly opened British Embassy in Mogadishu on April 25, 2013. British Foreign Secretary William Hague opened a new embassy in Mogadishu on April 25, 22 years after London pulled its diplomats from conflict-torn Somalia. AFP PHOTO / Mohamed Abdiwahab (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images)

Qoraal lagu soo daabacay Websaytka Dowladda Britain ee Gov.UK ayaa lagu sheegay inay Tababarayaal Milliteri oo ka socda UK loo so odirayo Somalia, kuwaasi oo tababari doona Ciiddanka Qaranka Somalia, Boliska iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Tababarayaasha Milliteri ee UK waxay kaloo gacan ka geysan doonaan Soo-celinta Deganaanshaha iyka ag-jirnimadda, waa sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay Dowladda Britain.

Dhinaca kale, Qoddobka Ammaanka waxa uu fure u noqon doonaa Shirweynaha bisha May 11-da ka dhici doona Casaimadda dalka Britain ee London, kaasi oo si wadajir ah uga qeyb geli doonaan Dowladda Cusub ee Federalka Somalia, Maamul-gobaleedyadda iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka.

Shirkaasi waxaa lagu lafa-guri doonaan Qorshaha Nabadda Somalia, Isbedelka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Horumarinta Bulshadda iyo Wax-ka-qabashadda Macluusha iyo Abaaraha ka jira Somalia.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.