Diyaaradaha Qaadka oo maalinki 2-aad ka degtay Jowhar-Sawiro

48

Waxaa maalintii Labaad Diyaarado Qaad sida ay ka dageen magaalada Jowhar, Ganacsatada Qaadka ayaa go’aansaday in aysan Muqdisho ka dejin diyaaradihii Qaadka geyn jiray, kaddib markii lagu kordhiyay canshuuro dheeraad ah

Qaar ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay in soo dhoweyn wanaagsan ka heleen Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, isla markaana Canshuuro ka jaban midka Muqdisho looga qaadi jiray laga qaaday tan iyo shalay.

Dhowr Diyaaradood oo Qaad sida ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyadoo saaka la arkay gaadiid fara badan oo durbaba bilaabay inuu qaadka u daabulo magaalada Muqdisho.

Khilaaf u dhaxeeya Ganacsatada Qaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa sababay in Ganacsatada go’aan ku gaaraan in aysan Muqdisho ka dejin diyaaradihii Qaadka, kaddib markii canshuuro dheeraad ah lagu kordhiyay.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya in halkii Kiilo ee Qaad lagu canshuurayo wixii hada ka dambeeyay lacag dhan 53,000 shiling Soomaali, iyadoo dollar ahaan u dhigmo $2.5 (Labo Dollar iyo Bar), halka markii hore lagu canshuuri jiray 43,000 shiling Somali $1.5, (Hal Dollar iyo Bar).

Mid ka mid ah ganacsatada qaadka ayaa u sheegay shabakada Jowhar.com in adeeg wanaagsan iyo soo dhoweynba ay ka heleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayna u mahadcelinayaan.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad lumineysa kumanaan dollar oo ka soo geli jiray Canshuuraha laga qaado Qaadka laga keena dalka Kenya, waxaana tani ay faa’ido iyo fursadba u tahay Maamulka Hirshabeelle.

 

 

Comments