Hiiraan: Ciidamada Doowlada & kuwa Jabuuti oo Qaad ku dagaalamay

39

Mid kamid ah ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa shalay lagu dilay magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, kadib dagaal dhex maray ciidamo katirsan kuwa Doowlada iyo kuwa Jabuuti.

Isku dhaca labada ciidan ayaa yimid kadib markii uu Askari Jabuutiyaan ah dharbaaxay Haweeneey Qaad ibineysay.

Ciidamada Doowlada Soomaaliya oo ka ag dhawaa Goobta ayaa ceersaday askari dharbaaxay Haweeneeyda balse waxa uu bilaabay inuu rasaas ku rido, waxaana markaas kadib uu dagaal dhex maray labada ciidan, taasoo sababtay inuu geeriyoodo mid kamid ah ciidamada Jabuuti.

Dhacdadaan ayaa noqoneysa tii 2aad oo ay labada ciidan isku dagaalaan arrimo Qaad

Comments