Diyaaradihii Qaadka keeni jiray Muqdisho oo Jowhar loo wareejiyay

20

Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay inay hakiyeen Diyaaradihii Qaadka ee uga soo degi jirey Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, sababo la xiriira Canshuurta oo lagu kordhiyey Kharajka laga qaado Qaadka.

Qaar ka tirsan Ganacsatadda ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Diyaaradahooda si KMG ugu wareejiyeen Garoonka Diyaaradaha ee magaallo-madaxda Maamulka Hsale ee Jowhar.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Ganacsatadda Qaadka u go’aansadeen arrintaasi.

Dhinaca kale, Kala-bar Diyaaradaha Qaadka keeni jirey magaalladda Muqdisho waxaa iska leh Xildhibaan Caddow Cali Gees oo isagu ka mid ahaa Murashixiintii isku soo taagay Doorashadii Madaxtinimadda ee Somalia.

Xildhibaan Caddow Cali Geas iyo Mas’uuliyiinta Deegaanka ee ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa waxay horey u sheegeen inay dib u hawlgeli doonaan Garoonkii Diyaaradaha Cisaley ee Gobalka Sh/dhexe, si ay ugu soo degaan Diyaaradaha Qaadka iyo kuwa Rakaabka.

Comments