AMISOM oo si kas ah u burburisay Warshadii dharka ee Balcad

30

Kolanyo ay wateen ciidanka AMISOM ayaa la sheegay inay burburiyeen Warshadda Dharka ee degmada Balcad, oo la sheegay inuu jiiray mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha guddiga maamulka iyo nabad galyada WarshaddaTahliil Axmed Ayaanle ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey warkaan, waxaana uu sheegay in AMISOM waxyeelo ay gaarsiisay dhismaha Warshadda, oo uu tilmamay in Toban mitir uu jabiyey gaari ay leeyiin ciidanka AMISOM.

Tahliil ayaa tilmaamay in falkaas markii ay geysteen ciidamada AMISOM ay isga tageen goobta, iyagoo aan la hadlin maamulka Warshadda.

Warshadda dharka ee Balcad ayaa ah warshadda kaliya ee bad qabta, kana mid ah warshadihii dalka ka shqeyn jiray, waxaana gacanta ku hayaa oo ilaaliya muwaadiniin Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

Xigasho: Dalsan

Comments