Leicester City vs Atletico: Miyeey Foxes cawada gaari doontaa Semi-Finalka Champion League?

17

Kooxda Dawacooyinka ayaa lugtii hore lagu soo sul daaray 1-0, balse caawa ayay shaqa adag u taala marka ay mininkooda King Power kusoo dhaweeyaan Atletico Madrid oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay 2 mar soo istaagtay kama dambeysta Koobkan.

Leicester oo ah kooxda kaliya ee wali ilaalineysa sharfta kooxaha Ingiriiska ayaa caawa isku haleyneysa taageerayaasheeda, waxeeyna kusoo bixi kartaa oo kaliya ineey Atletico ku garaacdo 2-0.

Gool kulaad uu dhaliyay Griezmann lugtii 1-aad kulan ka dhacay Calderon ayaa ahaa farqiga kaliya ee labada koox u dhaxeeyay.

Comments