Iniesta: “Waan awoodnaa inaan kasoo kabsano jabkii Juventus”

23

Xidiga khadka dhexe u maamula Barcelona Iniesta ayaa aaminsan ineey awoodaan in Habeen dambe ay kasoo kabsadaan jabkii kasoo gaaray Juventus.

Wiilasha Luis Enrique, ayaa guuldaro xanuun badan oo 3-0 ah kala soo laabtay juventus lugtii 1-aad kulan ka dhacay Torino.

Iniesta ayaa aaminsan in Barcelona ay haysato Ciyaaryahano awood u leh kasoo kabsashada Guulaha nuucaas oo kale ah.kuwaasoo awood u leh ineey markale soo bandhigaan ciyaar mucjiso leh si lamid ah tii ay ku reebeen PSG oo lugtii hore 4-0 kusoo garaacday.

Barcelona ayaa Habeen dambe hadii ay sameyso soo laabashadii PSG waxeey noqon doontaa Taariikh caalamka Kubadda cagta laga wada xuso.

Laakiin mida xusida mudan ayaa in Juventus aan shabaqeeda Gool la taabsiin ilaa iyo Bishii November ee lasoo dhaafay, taasoo muujineysa awooda daafaca marwada duqda ah.

Comments