Arsenal & Manchester United oo isugu soo haray tartanka loogu jiro James

0
1
C.ronaldo and James Rodriguez
C.ronaldo and James Rodriguez

Sida ay saakay daabacayaan wargeysyada kazoo baxa Spain kooxaha Ingiriiska kawada dhisan ee Arsenal iyo MANCHESTER United, ayaa isugu soo haray tartanka loogu jiro xidiga reer Colombia iyo Real Madrid James Rodriguez, kaasoo si cad u shaaciyay inuu doonayo ka tegista Maringues-ka.

Xidiga reer Colombia ayaa doonaya inuu xagaagan isaga baxsado xabsiga uu ku jiro ee Bernabeu, kaasoo aan boos joogto ah ka haysan shaxda macalin Zidane.

Chelsea,Liverpool iyo City ayaa sidoo kale doonayay xidigan, balse hada sida lasoo warinayo United iyo Gunners ayaa isugu soo haray tartanka loogu jiro.

Sidoo kale James waxaa doonaya Juventus iyo Bayern Munich, kuwaasoo kamid ah kooxaha ugu tunka weyn qaarada Yurub.

Wargeyska Don Balon ee kazoo baxa Spain ayaa xusaya in Arsenal iyo Manchester United ay si rasmi ah ugu dagaalami doonaan saxiixa xidigaan.

Mourinho ayaa u hamuun qaba helista xidig Kubad abuure ah xagaaga soo aadan, waxaana liiska kaalinta 1-aad uga jira James, kaasoo ku wanaagsan abuurista Kubadaha iyo dhalinta intaba.

Macalinka reer Portugal ayaa durbaba madaxda sare ee United ku wargeliyay ineey u keenaan xidiga reer Colombia, balse arinta taagan ee muhiimka ah ayaa ah qiimaha lagu heli karo oo aad u sareeya.

 


Sidoo kale Arsenal ayaa meel sare kaga darsatay qorshaheeda xagaaga soo aadan james Rodriguez.

Arsenal ayaa maanka ku haysa ineeysan xagaaga soo aadan ku tashan Karin adeega Alexis Sanchez iyo Ozil, kuwaasoo diidan ineey qandaraas cusub saxiixaan.

David Ospina oo ah seediga James Rodriguez, ayaa sidoo kale qeyb ka qaadan kara ololaha uu James ku imaan karo Emirates.

By Bashiir Addow Ahmed

Share Your Comments