Abu-Dubai: Madaxda Somaliland oo qalinka ku duugay Heeshiiska Saldhiga Imaaraadka ee Berbera

33

Sacad Cali Shire, oo ah Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland  ayaa sheegay in heshiiska la saxiixay uu ka kooban yahay 7 qodob, kaasi oo daba socda heshiiskii ay hore u ansixiyeen labada golle ee Barlamaanka Somaliland.

Halkan ka aqriso qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen:

1- Ciidamada Imaaraadku loo ogolaaday isticmaalka garoonka diyaaradaha ee Berbera.

2- Dhismaha Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km

3- Imaaraadku oo suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

4- Imaaraadku oo taageeri doona shirkadaha maalgashiga imaaradku ay maalgashtaan Somaliland

5- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga

6- heshiiskan wuxuu albaabad u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

7- labada dhinac waxay isku afgarteen in Imaaraadku gargaar deg deg ah gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Dhinaca kale, Munaasabadda Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa , Madaxweyne K/xigeenka Somaliland C/raxmaan Cirro, guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal, iyadoo dhinac Somaliland uu u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibada Sacad Cali Shire, halka dhina imaaraadkana uu saxiixay Maxamed Al-Suwaydi oo aan la shaacin masuuliyadda uu ka hayo dowladda imaraadka.

Comments