Xulka Talyaaniga oo la magacaabay

35

Xulka Azzurri ayaa Jimcaha marti gelin doona Albania oo ay isreebreebka Koobka Adduunka 2018 kula ciyaarayaan Stadio Barbera oo Palermo ah bishan Maarso 24-keeda, iyagoo deeto Talaadada xigta Netherlands kulan sxbtinimo kula ballansan Amsterdam Arena Talaado Maarso 28.

Macallinka Giampiero Ventura ayaa dhowr laacib xulka kusoo kordhiyay, kuwaasoo kala ah garab-weerarka Atalanta ee Spinazzola, iyo dhiggiisa Inter ee Gagliardini iyo D’Ambrosio oo markii ugu horreeysay xulka waaway lagusoo daray.

Waxaa sidoo kale markii ugu horreeysey loo yeerey qabtaha Spal ee Alex Meret, kaasoo wacdaro ka dhigaya Serie B.

Gabbiadini ayaa isna dib loogu yeerey isagoo wacdaro ka dhigaya Southampton tan iyo markii uu Jannaayo Napoli. Waxaa la filayay balse aan loo yeerin Mari Balotelli.

Goolwalayaal: Gianluigi Buffon (Juventus), Gianluigi Donnarumma (Milan), Alex Meret (Spal)

Daafacyada: Davide Astori (Fiorentina), Andrea Barzagli (Juventus), Leonardo Bonucci (Juventus), Matteo Darmian (Manchester United), Danilo D’Ambrosio (Inter), Mattia De Sciglio (Milan), Alessio Romagnoli (Milan), Daniele Rugani (Juventus), Leonardo Spinazzola (Atalanta), Davide Zappacosta (Torino)

Khadka dhexe: Daniele De Rossi (Roma), Roberto Gagliardini (Inter), Marco Parolo (Lazio), Marco Verratti (Paris Saint Germain)

Garabyada: Federico Bernardeschi (Fiorentina), Antonio Candreva (Inter), Lorenzo Insigne (Napoli), Nicola Sansone (Villarreal)

Weerarka: Andrea Belotti (Torino), Eder Citadin Martins (Inter), Manolo Gabbiadini (Southampton), Ciro Immobile (Lazio)

Comments