C.ronaldo oo ka carooday badalkii uu shalay ku sameeyay Zidane

17

Guushii ay shalay Los Blancos ka gaartay Bilbao ayaaka saaciday iney 5-dhibcood ka fogaato Barcelona iyadoo haatan si weyn ugu raaxeysaneysa hogaanka La Liga.

Si kastaba Ronaldo ayuusan kulankii shalay u aheyn mid wanaagsan, wuxuu ahaa kii afaraad oo uu ku guuldareysatay inuu garoonkaan gool ku dhaliyo, wuxuuse aad uga carooday in daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta lagu badalo Isco Alcaron

Ronaldo oo kaamiiroyiinka hortooda ku muujiyay inuusan ku faraxsaneen badalka lagu sameeyay ayaa hadal lama filaan ah yiri markii uu gudbay tababare Zidane.

“Sabab Aniga [la ii badalay]? F*** of” ayuu Cristiano Ronaldo oo ay afkala qaadkiisa qabteen kaamirooyinka garoonka San Mames gaar ahaan kuwa Gol TV.

Comments