UK oo ka fiirsaneysa dhaqaalaha ay siiso ciidamada AMISOM

19

Sida ay qortay Daily Monitor arrintan ayaa waxaa Madaxweyne Museveni iyo Boris Johnson wasiirka arrimaha dibada UK ay ugaga hadleen kulan ay Arbacadii yeesheen iyadoo albaabada la isku xirtey kulankaas.

Dowlada UK ayaa diidan in arrintan ay noqoto mid saameyn yeelato balse waxa arrintan sii xoojiyay xaalada ay marayso dowlada UK oo dooneysa inay ka baxdo Midowga Yurub.

UK ayaa dooneysa in ay si gaar ah dhaqaale ugu bixiso ciidamada AMISOM oo aysan u soo marsiin Midowga Yurub. Waxayna madaxda Uganda iyo UK ku heshiiyeen in arrintan loogaga hadlo kulanka sida gaarka ah loogaga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya oo lagu wado in lagu qabto dalka Ingiriiska 11bisha May ee soo socota.

Ciidamada AMISOM ayaa waxaa si wadajir ah u maalgeliya Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay waxayna Midowga Yurub dhowaan sheegtay in ay dhimeyso boqolkiiba labaatan dhaqaalaha ay ku bixiso ciidamada AMISOM.

Comments