Real Madrid oo sii dheereeysatay Hogaanka Horyaalka La Liga

16

Athletic Bilbao ayaa soo dhaweysay kooxda caasimada dalka Spain kasoo jeeda ee Real Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Real ayaa mudooyinkii danbe soo kabanaysay maadama dhax bartankii xili ciyaareydkan ay guul darooyin lasoo kulmeen.

Safafka Ay Kusoo Wada Galeen Athletic Bilbao Vs Real Madrid.

Real Madrid:

Navas; Carvajal, Ramos, Nacho, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric; Bale, Benzema, Ronaldo.

Atheletic Clup:

Kepa; De Marcos, Laporte, Yeray, Balenziaga; Iturraspe, Beñat; Williams, Raúl García, Lekue; Aduriz.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa durba ciyaarta lasoo gasahy weeraro is daba joog ah oo ay ku dooneysay in ay iska celiso kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Real.

Daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta Karim Benzema ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Real Madrid ka dib markii uu gool caaqibo leh ugu shubay kooxda Athletic Bilbao.

wax walba ay sameyaan kooxaha Athletic Bilbao iyo Real Madrid qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kalnastay 0-1 oo ay ku hogaaminayso kooxda Los Blancos.

markii dib lisugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta kooxda Athletic Bilbao ayaa sii wadatay dadaaalkeedii ay ku doonaysay in ay iska soo ba bareyso goolka lagu lahaa.

Daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta xidiga lagu magacaawo Aduriz ayaa kooxda Athletic Bilbao usoo celiyay goolkii uu Benzema ka dhaliyey qeybtii hore e ciyaarta kaasoo ka dhigay ciyaarta 1-1.

Daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta Casimero oo qadka dhaxe u maareeya kooxda Real Madrid ayaa ciyaarta ka dhigay 2-1 oo ay ko horkacaysay lso Blancos.

Ugu Danbeyntiina ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-2 oo ay guusha ku raacday Real Madrid waxeyna ka dhigantahay in ay haatan hogaanka horyaalka ku qaban doonto afar dhibcood inkastoo Barcelona haben danbe ay ciyaari doonto.

Comments