Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya sarkaal Itoobiyaan ah oo isku dilay Gedo

23

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo, waxa ay sheegayaan in halkaas uu isku dilay askari ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ahaa howgalka AMISOM.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in askarigan uu saaka isku dhex dilay xero ciidamada milatariga Itoobiya ay ku lahaayeen degmada Garbahaarey ee xarrunta gobolka Gedo.

Illaa hadda ma cadda sababta uu isku dilay askarigan ka tirsan ciidamada Itoobiya, balse sarkaal ka tirsan maamulka degmada Garbahaarey ayaa Idaacadaha Muqdisho u sheegay in sargaalka is dilay loo diiday in fasaxo oo uu soo eego qoyskisa oo ku nool magaalada Adis Abababa ee xarrunta dalka Itoobiya.

Weli saraakiisha ciidamada iyo safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya kama hadlin arrintan ka dhacday gobalka Gedo.

Itoobiya ciidamada labaad ee ku jira howgalka AMISOM ayaa ka jooga Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira ciidamo aan hoostagin AMISOM oo Soomaaliya ka sameeya dhaqdhaqaayo.

Comments