Ma ogtahay in Ramos uu xili ciyaareedkan ka Goolal badanyahay 6 weeraryahan oo caalami ah?

23

Maaha mid la yaab leh in uu Sergio Ramos goolal dhaliyo kulaba kulanka ka dambeeyay sidii aynu uga baranay tan ilaa maalintii uu kubada cagta bilaabay.

Xiddigan reer Spain ayaa xilli ciyaareedkan ah midka badbaadiyaha u ah kooxdiisa Real Madrid isaga oo kulamo badan oo ay baxar ku jirto ka saaray mar uu bar-baraha u keenay iyo mar uu guul dirqi ah u keenayba.

Ramos ayaa xilli ciyaareedkan bara dhaafiyay weeraryahano heer caalami ah oo caalamku ka yaabanaan jiray goolasha ay dhaliyaan isaga oo dhamaantood ka goolal badan/

Sergio ayaa ilaa haatan ciyaaray 29 kulan oo tirtamada oo dhan ah isaga oo ciyaaray 2200 daqiiqadoo isaga oo intaas dhaliyay 10 gool uu cel-celis ahaan u dhigantau 221 daqiiqaba hal gool.

Hadaba Waxanau halkan hoose kuugu soo bandhigi doonaa weeraryahanada uu daafacani ka goolal badan yahay:

Halkan Ka Akhriso Weeraryahanada uu ka goolal badan yahay:

1.Wayne Rooney (Man United) 30 kulan 5 gool

2.Fernando Torres (Atletico Madrid) 30 kulan 7 gool

3.Daniel Sturridge (Liverpool) 17 kulan 6 gool

4.Jamie Vardy (Leiceter city) 35 kulan 9 gool

5.Mario Mandžukić (Juventus)  35 kulan 7 gool

6.Anthony Martial (Man United) 28 kulan 7 gool

7.Paco Alcácer (Barcelona) 18 kulan 3 gool

Comments