Real Madrid oo koobkan difaacanaysa ayaa afka looga galiyay kooxda Bayern Munich waxaana iska hor iman doona Carlo Ancelotti iyo caawiyihiisi Real Madrid ee Zidane halka kulan ku celi u ah finalki Champions Leaque-ga 2015 uu dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Juventus.
ISKU AADKA OO DHAMAYSITRAN
Bayern Munich v Real Madrid!
Juventus v Barcelona!
Borussia Dortmund v Monaco!
Atletico Madrid v Leicester!
Falcelinta kooxaha iyo waxyaabaha laga yidhaahdo kulamada xiisaha badan ee ka soo baxay isku aadka siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga wararkeena soo socda ayaad insha Allah kula socon doontaa iyo taariikhda koox kastaaba ay ku leedahay kooxda lagu aadiyay.