AMISOM oo dalbatay ciidamo Dheeraad ah

Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan Sare oo ay isugu yimaadeen Madaxda Ururka MidowgA Afrika, Deeq-bixiyayaasha iyo Ergadda EU-da  oo looga hadlay Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu codsaday Ciiddamo dheeraad oo uusan Tiradooda cayimin, kuwaasi oo uu sheegay inay Ciiddanka AMISOM kala shaqeyn doonaan Sugida Ammaanka Deegaanadda ay Dagaaalamayaasha Alshabaab kala wareegaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu  saluugay Awooddaa Ciiddanka Dowladda Federalka u leeyihiin inay Ciiddanka AMISOM kala wareegaan Hawlaha Ammaanka ee dalka, xilli ay Ciiddanka AMISM u diyaar garoobayaan inay Somalia ka wada baxaan sannadka 2020-ka.

“Waa waqtigii horey loo sheegay inaysan AMISOM weligooda sii joogi doonin Somalia” ayuu yiri Ambassador Francisco Madeira, wuxuuna hadalkiisa ku soo beegmay  isla maalintii ay digniin noocaasi oo kale loo gudbiyey Guddiga Senedka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddamadda.

Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee Afrika, General Thomas Waldhauser ayaa codsaday inay Milliteriga Maraykanka door ballaaran ka qaataan Hawlgalladda Somalia, la kordhiyo Duqeymaha Cirka iyo Ciiddanka Khaaska ee taageeradda siinayo Ciiddanka Dowladda ee dagaalka kula jira Dagaaalamayaasha Alshabaab.

Ciiddanka AMISOM oo ka kooban 22,000 Askari oo ka kala socda dalalka Uganda, Djibouti, Kenya, Burnudi iyo Ethiopia ayaa Somalia yimid sannadkii 2007-dii, balse, Jadwalkooda shao kuma guuleysanin ee ay kula dagaalamayeen Alshabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.