Famaajo: Waxaan dhisi doonaa ciidamo xoogan oo noo badala kuwa AMISOM

49

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), oo shalay si rasmi ah xilka ula wareegay, ayaa hadal uu jeediyay sheegay in Doowladiisa ay xooga saari doonto dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo xoog leh islamarkaasna si buuxda u hanan kara amniga dalka.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada AMISOM ay dalka sii joogi doonaan ilaa laga dhisayo ciidamada Soomaaliyeed.

“Waxa la’isa siiyo Nafta ayaa ugu qaalisan ciidamada AMISOM Naftooda ayay noo hureen..” sidaas waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in la dhisi doono ciidamo Soomaali ah, kuwaasoo awood u yaalanaya in ay badalaan ciidamada nabad ilaalinta dalka u jooga ee AMISOM.

“Waxay ku noqon doonan dalalka ay ka yimaadeen,marka aan dhisno ciidamo xooggan oo Soomaali ah,”ayuu ku daray hadalkiisa Maxamed Cabdullaahi madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inytii uu ololaha kujiray sheegay inuu ciidamada AMISOM dalka kasaari doono islamarkaasna mudnaanta koowaad siin doono dhismaha ciidamo Soomaaliyeed.

 

Comments