Real Madrid oo Garoonkeeda kusoo jiiday kooxda Napoli

25

Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabéu Stadium ku soo dhowaysay kooxda Napoli kula ka tirsanaa lugtii 1-aad ee wareega 16-ka champions league.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Real Madrid: Navas, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo, Casemiro, Kroos, Modrić, James, Ronaldo, Benzema.

Napoli: Reina; Ghoulam, Koulibaly, Albiol, Hysaj; Hamsik, Diawara, Zielinski; Callejon, Mertens, Insigne

Kulanka ayaa ku bilowday mid xaraarad leh iyada oo ay labada kooxood doonayaan in ay goolal wakhti hore ah kala dhaliyaan xilli Real Madrid daqiiqadii 1-aad ku dhawaatay in ay hesho goolka 1-aad kadib markii Benzema kubad xoogan ku laagay goolka Napoli laakiin Raina ayaa si fiican isaga difaacay.

Real Madrid oo uu cadaadis xoogan saaranyahay lagana Rabo in ay kulankan guul gaarto ayaa dhowr weerar oo kala duwan qaaday laakiin umay suuro galin in ay wax gool ah ka dhaliyaan.

DAQIIQADII 8-aad Goooool Kooxda Napoli ayaa ka naxsatay kooxda Real Madrid kana dhalisay goolkii furitaaniyada oo uu u dhaliyay weeraryahankeeda Lorenzo Insigne kulankana ka dhigay 0-1 ay kooxda Napoli ku hayso hogaanka kulanka.]

Kooxda Real Madrid oo qalbiga ku haysa in aanu fadhi u oolin ilaa ay bar-baraha keento ayaa weeraro kala duwan oo nooc walba leh ku qaaday kooxda Napoli.

DAQIIQADII 19-aad Gooool Real Madrid ayaa heshay goolkii bar-baraha iyada oo uu madax u dhaliyay weeraryahanka maalmahan cadaadisku saarnaa ee Karim Benzema isaga oo kulanka dib ugu soo celiyay kooxdiis kana dhigay 1-1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Labada kooxood ayaa sameeyay fursado badan oo ay ku doonayaan in ay goolal ku dhaliyaan inta ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaartu laakiin uma ayna suuro galin midaasi.

Waxana sidaas ku dhamaaday qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku Mari waayeen kuna kala nasteen bar-baro 1-1 ah.

Qaybtii dambe ayaa ku bilaabatay mid waali ah oo ay kooxda Real Madrid weeraro culus ku qaadayso goolka Napoli si ay goolal kale u dhaliyaan kulanka si buuxda ugu badiyaan.

This slideshow requires JavaScript.


DAQIIQADII 49-aad Goooool Real Madrid ayaa heshay goolkeedii 2-aad iyada oo uu u dhaliyay xiddigeeda khadka dhexe ee Toni Kroos isaga oo kulanka ka dhigay 2-1 ay hogaanka ku hayso kooxda Real Madrid.

DAQIIQADII 54-aad Goooool Kooxda Real Madrid ayaa sii dheeraystay hogaanka kulanka iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddigeeda reer Brazil ee Casemiro isaga oo kulanka ka dhigay 3-1 ay hogaanka ku hayaan saaxiibadan Casemiro.

Kooxda Napoli ayaa isku dayday in ay dhaliso goolal kale oo ay ku donayso in ay ku soo noolayso rajada kulankan laakiin Real Madrid ayaa difaaca si fiican u adkaysatay.

Waxana sidaa ku soo dhaamaday kulan aad u xiiso badan oo ay Real Madrid guushu ku raacday natiijo ay u qalantay oo ahayd 3-1 xilli Napoli ay bartay sida Loo ciyaaro oo aanay halkani Horyaalka Italy ahayn oo ay iyadu yurub Madax u tahay.

Comments