Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo oo maanta xilka la wareegaya

45

Waxaa saakay lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dhacdo munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan madaxweynihi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore xasan shekh iyo madaxweynaha cusub Farmaajo
Madaxweynihii hore xasan shekh iyo madaxweynaha cusub Farmaajo

Xafladda xil wareejinta oo ka dhici doonta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaan ka wareysanay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Shadoor Xaaji Maxamuud.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji ayaa u sheegay Idaacada VOA in maanta gelinka hore ay si rasmi u dhici doonto xaflada xil wareejinta.

“Maanta Madaxtooyada waxaa ka dhici doona Munaasabada xil wareejinta uu Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh uu xilka ku wareejinayo Madaxweynaha cusub Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynuhu si rasmi ayuu xafiiska ula wareegi doonaan, maalmahan waxaa socotay holwihii xil wareejinta”ayuu yiri Shador Xaaji.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha cusub ay maanta u bilaaban doonto howlihiisa rasmiga ah, isagoo xusay in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ka guuri doono Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay tagay Xarunta Madaxtooyada, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynihii hore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo ka wada hadlay xaalada dalka uu marayo iyo qaabka ay u dhaceyso munaasabada xil wareejinta.

Munaasabadaha xil wareejinta iyo caleema saarka ayaa la kala qaaday, iyadoo 22-ka bishan ay dhaceyso munaabada caleema saarka Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ay ka soo qeyb galayaan wafdi caalami ah.

Afar sano ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu xafiiska Madaxtooyada ku wareejiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo 2012 ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

Comments