Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah xilka ula wareegay

36

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah ugu wareegay manta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha xilka ka dagay ayaa kusoo dhoweeyay madaxtooyada oo uu ku shaqeynayay Afartii sano ee la soo dhaafay.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin badan oo qayb ay ka yihiin taliyaasha ciidanka iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

22-ka bishaan ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Comments