Masar oo Ergay gaar ah usoo dirtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

32

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda Doowlada Masar, kuwaasoo dhambaal ka waday madaxweyne Al-sisi.

Wafdigan uu qaabilay Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa hogaaminayay Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweyne C/fitaax al-sisi. Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomay dhambaalka looga siday madaxweynaha Masar.

Dhambaalka ayaa ahaa hambalyo ku aaddan xilka madaxweynenimo ee loo doortay siddeeddii bishaan, waxa uu sidoo kale ku sheegay in uu ku faraxsanahay iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Maser ayaa kulanka ku wehliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi-salaam Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa si kooban u sheegay in kulanka sidoo kale inta uu socdey la isla gartay in la sii wado iskaashiga labada dal, lana kordhiyo wax wada-qabsiga dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo midka Diblomaasiyaddeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha J.F. S ayaa qaabilay wefdi kale oo ka socdey dalka Jermalka oo iyaguna siday dhambaal hambalyo ku socoto madaxweynaha iyo shacabkiisa,  madaxweyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaana  uga mahadceliyey taageerada ay dowladda Jermalka u heyso Soomaaliya.

Comments