Sirdoonka K. Kuuriya oo si la-yaab leh u dilay nin la dhashay Madaxweynaha W. Kuuriya

37

Sirdoon Ka north korea aya ” Cirbad sun ah”Ku Dilay Nin la dhashay Madaxwaynaha Dalka north korea Ee Lagu magacaabo Kim Jong-nam Oo ku sugnaa gudaha Eyraboorka Dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Sirdoonka dilay ayaa ahaa laba ruux Oo dumar Ah, kuwaasoo la sheegay ineey Cirbad Sun ah ku dhufteen Kim Jong.

Walaalka la dhashay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya, ayaa sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada Ilaalada Garoonka diyaaradaha Kuala Lumpur, waxa uu u gudbiyay ashtako in 2 Haweeneey ah ay ku weerareen cirbad sun ah uuna dareemayo xanuun daran, waxaana loo qaaday isbitaal lagu magacaabo KLIA Clinic. Si halkaas loogu daaweeyo.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilka walaalka Madaxweynaha waqooyiga Kuuriya

Comments